Ogaysiis Muhiima:- Somali National University Of Buhodle (SNUB)
Jamaacada Ummadda Soomaaliyeed Ee Buuhoodle (SNUB)
UJeedo:- Ogaysiis
Waxaa loogu bushaaraynayaa loo la ogaysiisanayaa dhamaanba dadka reer Buuhoodle in la furay Jamaacadda magaceedu kor ku xusan yahay sanad Jaamacaddeedka 2012-2013.
Waxaa sharaf iyo magacba inoo ah in ay Buuhoodle hormuud ka noqoto dib u soo noolayntii aqoontii tayada lahayd ee Jaamacaddii umadda soomaaliyeed lagu yaqiinay, si aynu ula jaanqaadno isbedelka cusub ee siyaasadeed ee dalka ka dhashay isla markaasna uga soo kabano dib u dhacii muddada dheer ina saameeyey ama inagu habsaday.
Jaamacadda maadooyinka lagu baranayo waxaa kamid ah (Degree Courses) sida:-
1- Caafimaadka (Medicine And General Surgery).
2- Ingineerimo oo kala A- Dhismaha, B- Computer iyo Isgaadhsiinta.
3- Taba tabarka Macalimiinta heer Jaamacaddeed.
4- MSIT (Management Science And Informatio Technology).
Fiiro Gaar Ah:- Mudooyinka Lagu qalin jabinayo waa 6 Sano oo Caafimaadka ah, 3 Sano MSIT iyo 4 Sano oo inta kale ah.
Wixii faah faahin dheeraad ah kala xidhiidh Prof. C/laahi Maxamed Saciid Tell: 4083733