WAACIYE: Daawo Sawirada Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Muddo Korosiga Xukuumada Faroole
Degmada Waaciye ayaa waxaa ka dhacay dibadbax si weyn loogu diidan yahay muddo kororsi hal sano ah oo xukuumada Faroole ay u ololeyneyso.
Degmada Waaciye oo ah degmo si weyn u koreysa, islamarkaana ku taala xadka kala qeybiya Gobollada Bari iyo Karkaar ayaa waxaa dibad bax carro wata ka dhigay dadweynaha magaalada oo isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo sita boorar looga soo horjeedo wakhti korosiga xukuumada Puntland ay ku dhawaaqday, iyadoo ay u harsan tahay oo kaliya 3 billood.
Horay waxaa Waaciye si dhuumaaleysi ah ku tagay guddiga doorashooyinka Puntland, waxayna magaalada duleedkeeda kula shireen cuqaasha magaalada oo ku wargeliyey guddiga in beesha Axmed Harti ay kamid tahay beelaha Puntland wixii ay go,aansadaan inay la qabaan.
Intaas kadibna dadweynihii ka warhelay joogitaanka guddiga doorashooyinka Puntland ayaa dhigay dibad baxyo si weyn looga soo qayb galay, goob jooga Waaciye ayaa soo sheegaya in dadkii banaan-baxayey aysan wax rabshado ah ama taayiro ah aysan gubin, si nabadgelyo ahna uu kusoo dhamaaday mudaharaadka.
Waxaa sii badanaya diidmada beelaha Puntland ku diidan yihiin sida ay uga soo horjeedaan in xukuumada Dr. Faroole ay wakhtigeeda kadib ku darsato hal sanno oo dheeri ah, iyadoo horay magaalooyinka Qardho, Jariiban, Gaalkacyo iyo meelo kaleba laga eryey guddiyo u xilsaaran arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA DIBAD-BAXA WAACIYE
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Fu,aad karaama jama
garowe/nugaal
Afbakaylenews@gmail.com








kkkkkkkkkk puntland faroole meel aysan waligeed gaaarin ayuu gaarsiiyay marka wixii looga soo horjeedaba waa khalad mida kale caruur iyo hablo un baa mudaharaadaya marka halaga xishoodo madaxda dalka