afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:40 am | Posted by

War Deg Deg Daawo Muuqaal hada laga soo duubay Qarax Xoogan oo goordhaw lagu Weeraray Kaniisad ku taala Islii

Lix ruux oo sadex ka mid ah caruur ay yihiin ayaa ku dhaawacmay weerar bambaano oo saakay lagu weeraray kaniisad ku taala magaaladda Nairobi ee dalka Kenya halkaa oo ay ku sugnaayeen caruur iyo dad waaweyn.

Kaniisadda la weeraray ayaa lagu magacaabaa St. Polycarp waxaana ay ku taalaa wadada Juja road ee xaafadda Eastleigh ee Soomaalidu ay u badan tahay, Ilaa haatana ma jiro war ku saabsan cida ka dambeysay weerarkaasi oo loo adeegsaday bumbada gacanta laga tuuro.

 

Halkan Riix Muuqaalka qaraxa iyo Qasaaraha uu gaystay

Telefishinada NTV iyo citizen ee xaruntoodu tahay Nairobi ayaa daqiiqado kahor baahiyey in mid ka mid ah caruurtii dhaawacantay uu u geeriyooday nabaradii ka soo gaaray weerarkii bambaano ee kaniisada lagu tuuray.

Ku xigeenka afhayeenka boliiska ee dalka Kenya Charless Owino ayaa sheegay in weerarkaan ay ku tuhmayaan kooxda Alshabaab oo ay dagaalo kula jiraan gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya, kuwaa oo hore u sheegtay weeraro midkan oo kale ah oo ka dhacay Nairobi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM