Xassan Sheikh oo Maanta soo gaba gabeeyay la Tashiyadii ku aadanaa soo Magacaabista Raizul Wasaaraha
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud oo maalmahan Muqdisho kula yeelanayay wax garad iyo siyaasiyiin kulamo aan kala joogsi lahayn ayaa lagu waramayaa inay maanta usoo gaba gabooben.
Warar lagu kalsoonyahay oo Warbaahinta Ka heshay Madaxtooyada ayaa tibaaxaya inuu Madaxwaynuhu Maalmahan kulamo is daba jooga la qaadanayay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyed isla markaana uu talo ka waydiinayay qofka ku haboon Wasiirka Koowaad.
Madaxwaynaha ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Beelaha Soomaaliyeed dhamaantood, waxaana la sheegay inay talooyin kala duwan ka siiyeen qofka ku haboon Raizul Wasaaraha.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Madaxtooyada ayaa noo sheegay in ay soo gaba gabooben maanta kulamadii uu madaxwaynuhu kula tashanayay Beela Soomaaliyeed isla markaana la filayo in saacadaha soo socda la shaaciyo Raizul Wasaaraha.
Madaxwaynaha ayay ku qaadatay soo magacaabista Raizul Wasaaraha Maalmo badan ayadoo ay shacabka Soomaaliyeed ka naawilayaan inuu keeno qof u qalma Jagadaasi.
Isku soo wada xooriyoo Xassan Sheikh maxamuud ayaa looga Fashiyaan inuu ka Farxiyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu meesha keeno Rabitaanka Dadwaynaha Soomaaliyeed