Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horeesay goordhaw u duulay Magaalada Baydhabo
Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde eev Magaalada Muqdisho ka duushay diyaar gaar ah oo wada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi kale oo isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa ujeedkoodu yahay in ay gaaraan Magaalada Baydhabo halkaasna ay kulamo kula qaataan Saraakiisha Dowlada iyo maamulka Gobolka Baay iyo Bakool ee hada kusugan Magaalada Baydhabo.
Safarka Madaxweynaha ma aheyn mid horey loo sii shaaciyay waxaana lagu Wadaa in Magaalada Baydhabo ay saacado kooban soo joogaan Madaxweynaha iyo Wafdiga lasocdo dibna ugu soo laabtaan galinka Dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho.
Warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in Safarka Madaxweynaha uu ku wehlin doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya hasa ahaatee waxaa soo baxay in Gudoomiyaha uu safarka ka baaqsan uuna joogo Magaalada Muqdisho.
Amaanka Magaalada Byadhabo ayaa saakay ah mid aad loo adkeeyay meel kasatana la dhigay Ciidamo suga amaanka ,waxaana xiligaan Magaalada Baydhabo laga dheehanayaa soo dhaweynta Madaxda ugu sareysa ee Dalka ee ku wajahan Baydhabo.
Waa Markii ugu horeesay ay Safar u amba baxo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu doortay Doorasho ka dhacday Magaalaada Muqdisho.