(Daawo Sawiro) Banaan Bax Ka Dhan Ah Maamulka Siilaanyo Iyo Shakhsiyaad U Dhalatay Deegaanka Buuhoodle Oo Kulmano La Qaatay
Banaanbaxan maanka ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle ayaa ahaa mid looga soo horjeedo Faragalinta Siilaanyo ku hayo deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn.Banaanbaxani ayaa ahaa dhanka kale mid bulshada reer Buuhoodle ay dareenkooda ku tusayeen in aragtida ay ka qabaan Horgale Saleeban Ciise”Cadow-toosiye” Iyo Siilanyo, Banaanbaxani oo ahaa kii ugu weynaa ee abid ka dhaca gudaha magaalada Buuhoodle. Yadoo bulsha weynta ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle ay u sheegayeen xukumada Somaliland inuusan matalin shacabka reer Buuhoodle ee mideysan Horgale”Cadow-toosiye”. Banaanbaxani ayaa ahaa sidoo kale mid ay shacabka reer Buuhoodle ku tilmaameen in aaney jirin wax wada hadal ah oo ay la yeesheen beelaha dega gobolada wagooyi galbeed, Yadoo shacabka reer Buuhoodle sheegay in dirirtu ka dhexeyso beelaha dega waqooyi oo dhan ee uu u taliyo maamulka Somaliland. Waxayna hadalka u dhigeen sida tan:- Anagu waxaan is haynaa beesha Isaaq oo dhameystiran oo wata maamulkooda Hargeisa ee uu ka taliyo Siilanyo, Waxaa na xasuuqey beelaha dega waqooyi iyo waqooyi galbeed oo dhan, Isma hayno beesha Haberjeclo, nabadna waa naga dhexeysaa daaqsinkana waa naga dhexeeyaa, Wada hadal na dhex mara oo lasoo qaataana ma jiro oo aanu u baahan nahay, waxaanu nahay beelo wallaalo ah, Sidaasi waxay ahayd hadaladii ugu cad cadaa ee banaanbaxani qeybta lixaadka leh ka qaatey. Dhankale waxaa banaanbaxani ka qeyb qaatey amaba qudbado qiimo badan kasoo jeediyey, Xubnaha gobolka Cayn ee maamulka Khaatumo State Of Somalia, Culimaa’udiin,Waxgarad Iyo Ururada Haweenka Ururada Dhalinyarada , Iyo Dhamaanba bulsho weynta ku dhaqan gobolka Cayn. Yadoo qudbadihii maanta laga soo jeediyey garoonka weyn ee kubada cadta”Xabado Studium” ayaa halkaasi ugu qiimo badneyd qudbad aad u macaan oo uu soo jeediyey Maayirka degmada Buuhoodle”Cabdicasiis Ducaale Qanbi” ee maamulka Khaatumo State. Isku soo wada duuboo banaanbaxani ayaa ahaa mid shacabka ku dhaqan ay balan ku qaadeen iney talaabo cad ka qaadi doonaan Horgale Saleeban Ciise”Cadow-toosiye” Yadoo xubnaha maamulka Khaatumo State,Ciidamada Xooga Buuhoodle ,Waxgarad,Cuqaal Iyo Bulsha weynta reer Buuhoodle ba ay balan ku qaadeen iney talaabo cad ka qaadi doonaan Horgale Saleeban Ciise”Cadow-tooiye” hadii uu mar danbe ku soo laabto magaalada Buuhoodle.









kkkkk isaaq baa na xasuuqay bay wax ku rabaan reer khaatumo wager