Faroole oo daaha ka qaaday in uu ogol yahay xubin ka soo jeeda Beesha Marexaan balse diidey…
War Xooraansi ah oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Hassan Sheekh Mahamuud iyo Madaxweynaha Puntland Faroole ay xalay qadka Talefonka kuwada hadleeyn ayagoo is dhaafsaday arimo ku aadan Soo Magcaabista Ra’isul Wasaaraha cusub.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Aqbalay in Beesha Mariixaan laga dhigo Ra’isul Wasaare balse waxuu sheegay in uu wato Shuruud ah in aan laga dhigin Shaqsi aad u naceyb Maamulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Faroole.
Faroole ayaa Qadka Talefonka kula hadlay Madaxweyne Hassan Sheekh waxuuna u sheegay in hadii ay heli waayaan Beeshiisa Xilka Ra’isul Wasaaranimada bacdamaa Maamulkiisa uu yahay maamul u baahan in Dowlada ay wada shaqeeyaan waxuuna Codsaday in Farmaajo aanan laga dhigin Ra’isul Wasaare laakiin la siiyo Beeshiisa Mariixaan.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in wax kasta uu ku qancaya beel ahaan laakiin in uusan rabin in Farmaajo loo magcaabo xilkaasi waxuuna sheegay in hadii la doonaya in si nabad galyo ah ay u wada shaqeeyaan Puntland iyo Dowlada.
Hadalkani Madaxweyne Faroole ee ah in aanan Farmaajo Ra’isul Wasaare laga dhigin ayaa la ogeyn waxa uu ka yeelaya madaxweye Hassan Sheekh in uu qaadan doono si uu u helo wada shaqeyn asaga iyo maamulka Faroole.
Si kastaba ha ahaatee Xogta hoose ayaa sheegeeysa in Ra’isul Waasaraha cusub uu ka imaanayo Beesha Mariixaan balse waxaan la ogaan karin shaqsiga laga dhigayo waxaana sheekadaan ay cirka isku shareereeysaa hadalkani aan ka heleeyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka heleeyno Madaxtooyada.