afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:06 am | Posted by

Ciidamada huwanta Oo Dib U Galay magalada Kismayo

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw Ciidamada Huwanta ah gudaha si rasmi ah ugu galeen Magaalada Kismaayo kadib markii ay xalay ka baxeen Magaaladaasi ay Shalay galeen.

Ciidamadan oo ah kuwa aad u tiro badan watana gaadiidka Dagaalka iyo dabaabaadka Ciidamada Huwanta ah wataan kuwaa oo hada si buuxda loogu arkayo Magaalada Kismaayo qeybaheeda kala duwan iyaga oo maraya.

Afarta Xaafad ee ka kooban tahay Kismaayo hada Waxaa lagu arakayaa Ciidamada Huwanta ah kuwaa oo fariisimo kasameesanaya qeybaha kala duwan ee Xaafadaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan baraha muhiimka ah sida Saldhiga Ciidanka ,Garoonka Diyaaradaga ,Dakada Magaalada iyo baro kale oo Muhiim ah.

Wararka hada naga soo gaarayo Xaafada Faanoole ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goordhaw Qarax xoogan lala eegtay Ciaidamo katirsan kuwa Soomaalida ah xili ay marayeen Xaafad Faanoole qeybo kamid ah.

Qaraxa Ciidamada lala eegtay ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso lamana oga Qasaaraha soo gaaray Ciidamada Qaraxa lala eegtay ,waxaana hada Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo laga maqlayaa Rasaas goos goos ah ay ridayaan Ciidamada Huwanta ah .

Saraakiil katirsan Ciidamada Huwanta ah ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 4-Nin oo Shabaab katirsanaa kuwaa ay sheegeen Saraakaiisha Ciidamada in ay ahaayeen rag u tilmaamnaa ayna ogayaeen in Shabaab ahaayeen dambiyana galeen..

Ciidamada Huwanta ah ayaana Maanta si buuxda gacabnta ugu haya Magaalada Kismaayo kadib mudo ay maamul la’aan aheed Magaaladaasi kadib marikii ay gabi ahaan ka baxeen Dagaalyahanadii Al-Shabaab oo gacanta ku hayay Magaalada mudo ku dhaw 5-Sano.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM