afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:15 pm | Posted by

Dhagayso:-Coll, Cali Baadiye oo faroole uga digey in uusan kala Dirin Beesha Harti inta haatan kaga hartay Puntland.

Magaalada Galkacayo ee xaruunta Mudug waxaa ka dhacay kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen waxgarad iyo cuqaal iyo weliba siyaasiin ka soo jeeda Gobolka Mudug, kuwaasi oo baaq xasaasi ah u direy Madaxweynaha Puntland Dr, Faroole iyo weliba xukuumadiisa.

Kulanka ka dhacay Magaalada Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa si kulul loogu dhaliiley wakhti kororsiga ay xukuumada Madaxweyne Faroole samaysatay, taasi oo ay ku sheegeen in ay tahay mid aan loo dul qaadan doonin isla markaasna ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan.

Gen. Cali Baadiye Oo horay Puntland uga soo noqday Taliyaha Ciidamada Qalabka sida (Daraawiishta) wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Faroole uga digay awooda ay isticmaalayso oo uu sheegay inaysan meelna ku gaari ayna ku tusaale ku qaataan sidii afka ciida loogu daray digtaytaro iyaga ka awood badnaa.

 

” Arinta hadda uu waddo Madaxweyne Abdirahman waxaan u arkaa mid aan loo baahneyn waxaa la garab marayaa sharciga, Aniga waxaan u jeedaa in ay arintu ku socoto sidii Dowladii 20-sano dhisneyd ee quwada lahayd ee tiri ma jiro qof dhaqaaqi kara balse la dumiyey” ayuu yiri Col, Cali baadiye oo hadlay.

Sidoo Kale col:Cali Baadiye Ayaa ugu baaqay Faroole inuu san uu ka jajabin inta kuhaydhay Puntland Beesha Harti,Isoo Sheegay in dhulbahante uu Hada Ka madax Banaan Yahay Maamlkaas Sababtuna Tahay Carqalada Faroole Uu kula dhexjiro Beelha Harti.

 

RIIX HALKAN OO DHEGEYSO DHALIISHA FAROOLE

 

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay Coll, Cali Baadiye iyo weliba waxgaradkii kale ee goobta joogey in ay sharci daro tahay in la cuna qabateeyo xoriyatul Qowlka iyo weliba saxaafada, taasi oo ay ku sheegeen in ay xukuumada Puntland ee haatan ay dadaal dheer u gashay sidii aysan waxba u gudbin lahayn saxafadu.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM