afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:19 pm | Posted by

(DHAGEYSO)Muxuu ka yiri madaxweynaha soo xulida ra,isul wasaaraha

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa markiisii ugu horeeyay faah faahin ka bixiyay sababaha keenay inuu xili hore soo magacaabi waayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in soo magacaabida Ra’isul Wasaaraha ay tahay howl adag sidaa darteed uu wali wado latashiyadii ugu danbeeyay.

Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in goboladda dalka uu utagayo sidii uu shacabka iyo maamulada ula soo samayn lahaa latashiyo ku aadan cida ay udoonayaan Ra’isul Wasaare iyo qaabka laga doonayo Ra’iisul Wasaarahaas.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Xilka Ra’isul Wasaaraha loo soo magacaabi doono qof waxtar leh, uuna ogyahay in waqtiga uu ku dhamaanayo.

“Waxaa qasab ah inaan ilaalino sharciga oo aan Ra’isul Wasaare soo magacowno ilaa 9-ka Bisha oo ku eg 30-kii beri ee aan haystay”ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxdaxweynaha Soomaaliya.

 

Arimaha kale oo uu kahadlay ayaa waxaa kamid ah xaalada Magaaladda Kismaayo isagoo uhanbalyeeyay guulihii ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ka gaareen Howlgalkii Jubada Hoose.

 

Halkan Riix Oo Dhagayso Hadalka Madax Waynaha 

 

Kismaayo ayuu sheegay in ay tahay dhul Soomaaliyeed loona samayn doono Maamul ka yimaada Shacabka waxna ay ka ogtahay dowlada.

Waxaa uu tilmaamay in hada ay wadaan latashiyo ay yeelanayaan mudanayaasha barlamaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Kismaayo taas oo ku aadan in Maamul rayid ah magaaladda loo sameeyo.

Fatahaadaha ka jira Beledweyne ayuu sheegay in ay tahay arin kale oo walaaceeda leh, isagoo ugu baaqay shacabka in ay isku gurmadaan.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM