afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:28 am | Posted by

Madaxweyanaha Soomalaiya Oo Gadhey Magalada Baledweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho la sheegay inuu ku marayo qaar ka tirsan gobollada dalka maanta ku tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne, waxaana soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo u kuur-gelidda xaaladda bini’aadannimo ee Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mas’uuliyiinta deegaanka iyo bulshada qeybaheeda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa kaloo la filayaa inuu madaxweynaha raashin gargaar ah u qeybiyo boqolaal qoys oo ay barakacisay fatahaaddii webiga Beledweyne, taasoo sababtay dhimashada in ka badan tobon qof iyo barakaca dad ka badan 10 kun oo qof.

Waa socdaalkii labaad ee madaxweynaha uu ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho ilaa markii xilka loo doortay, isagoo shalay booqasho gaaban ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM