WarCulsu:-Siilaanyo Oo Xaaladiisa Caafimaad Kasii Dartay
- Xogo aanu ka ka helay hawl-wadeeno ka tirsan xafiiska Madaxweyanaha maamulka Somaliland,
ayaa sheegay,in xaalada caafimaad ee Siilaanyo ay kasii dartay oo beryahan ayney wanaagsaneyn,da’diisa oo sii kordhaysa awgeedna dhawr xanuun isagu darsameen, islamarkaana uu awoodi kari waayey inuu hoos u soo dhaadhaco , si toosana u guto halmaalmeedkisii caadiga ahaa.
Xoguhu waxay intaas ku darayaan in Siilaanyo oo todobaadkii qaata laba cisho oo nasasho ah oo kala ah Isniinta iyo Jimcaha oo uu gurigiisa iska joogo ayaa todobaadkan ku darsaday shan cisho oo isku xiga oo dheerada, iyadoo hawlihii ay ahayd inuu fuliyo is dulfuuleen.
Arintaasi waxay keliftay in wasiirka madaxtooyada oo ku maqnaa magaalada Burco si degdeg ah loogu yeedhay si uu hawlahan Siilaanyo ee is dhexdaadsan uu u nidaamiyo, una kala fududeeyo.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS Ibraahin Xuseen (Dhegaweyne), ayaa dhawaan maruu warbaahinta u waramay si toosa u sheegay in Siilaanyo u baahan yahay in baadhis caafimaad ama dhakhtar la mariyo si loo sugo xaaladiisa caafimaad oo uu sheegay inaanay wanaagsaneyn ,wuxuu kaloo Dhegaweyne intaas ku daray inaan talada dalku ku jirin gacanta Siilaanyo balse cid kale taliso.
Isku soo wada duuboo waxaa kaloo la sheegay in maalintii Khamiista ee todobaadkii ina dhaafay kulankii golaha wasiirada uu Siilaany
Yaa Daalem Lak Yoom( Daalim kastaa maalin buu leeyahay). Jid wuxuu hayaa xisaab badan ka dambayso.