afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:29 am | Posted by

XogCulus:-Faroole Oo Wadnaha Farta Kuhaya Soo Magcaabista Ra,izal Wasaaraha Cusub Awgeed

Xili Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo inuu soo magacaabo Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu safaro la tashi ah ku marayo qaybo kamid ah Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi il gaara ku eegaya Maamul Goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr Faroole ayaa illo ku dhow dhow u sheegeen Warbaahintainay si gaara ula socdaan Safarada waqti dhumiska ah ee uu ku marayo Xassan Sheikh Maxamuud qaybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya oo ay dagaan Beelaha hawiye ee saamigooda haysta.

Faroole ayaa walaac ka qaba safarada uu Xassan Sheekh ku Marayo Gobolada Kiinfurta Soomaaliya ee uu kula tashanayo Wax garadka Soomaaliyeed ee halkaasi daga, waxaana arintaasi walaac xoogan ka qaba Faroole oo ogsoon inaysan ku talinayn dadka la tashiga loogu tagayo inay yiraahdaan qof kasoo jeeda deegaanada Puntland hala soo magacaabo, walow ay suura gal tahay shacabka halkaasi ku nool inay ku taliyaan qof kale oo kasoo jeeda beelahakale ee daarood inlasoo magacaabo.

Illo wareed ku sugan Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ayaaafbakayle.com u sheegay inay suura gal tahay inuu Faroole ka hadlo Safarada uu Xassan Sheikh ku marayo gobolada koonfureed ee Soomaaliya, maadaama aysan beelahaasi laga soo dhex xulayn qofka noqonaya Raizul Wasaaraha, waxaana sidoo kale suura gal ah inuu hadalkiisa ku weeraro Xassan Sheikh oo u arko nin kasoo horjeeda danaha Puntland.

Tan iyo Markii la doortay Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaya shakiga ay qabaa siyaasiyiinta Puntland ee ugu horeeyo Madaxwaynaha Maamulkaasi Faroole, halka inta badan shacabkadeegaanada Puntland ay qabaan in loo daayo Madaxwaynaha inuu ka fakaro qofka howsha hor taala la daadihin lahaa.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM