Daawo Sawirada:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Kismaayo iyo Qaabka Farsameesan ee Ciidamada Huwanta ah ku galeen
Shalay Waxaa Kismaayo si buuxda gudaha ugu galay lana Wareegay Ciidamada Huwanta ah oo ka kooban Kenyan iyo Soomaali isku soo baheestay la Dagaalanka Kooxda Mayalka Adage e Al-Shabaab.
Ciidamadan Kismaayo galay waxa ay ku hubeesnaayeen Taangiyo ,Gaadiid Dagaalaoo fara badan waxa sidoo kale Wateen Diyaarado dagaal iyo Doonyo iyo Maraakiib dagaal iyo hub kale oo aad u tiro badan.
Ciidamadan waxa ay hada kusuganyihiin guud ahaan Afarta Xaafad ee Kismaayo ka koobantahay halkaas ay fariisimo kasameeteen ,waxana saakay Magaalada Kismaayo ka dhaqan galay Bandoow sidoo kale waxaa soconaya Baaritanao ay Wadana Ciidamada Huwanta ah.
Xalay Kismaayo iyo shalay waxaa laga maqlay Qaraxyo Miino iyo kuwa Gacanta laga tuuro oo lagu soo dhaweeyay Ciidamada Huwanta ah lama sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay Qaraxayadaasi dhacay.
Magalaada Kismaayo ayaana hada waxaa si buuxda uga Talinaya Ciidamada Huwanta ah kuwaa oo mudo dheer ku qaadatay sidii ay Magaaladaasi kusoo gaari lahaayeen ugana saari lahaayeen Dagaaalyahanada Al-Shabaab ,inakstoo riyadoodii aheed in Kismaayo Qabsadaan Sha;ay u rumowday.
























