Dr Cali Ciise cabdi Oo Siweyn loogu Soo Dhaweyey Garonka Muqdisho xili Loo Badinayo in loo Magacabo Ra’iisal Wasaraha Dalka
Waxaa Shalay Garoonka Diyaarada Aadan Cade international Airport Kasoo Dagay Dr: Cali Ciise Cabdi , oo ay weheliyeen xubno Diblumaasiyiin ah ayaa markii uu yimid Muqdisho waxaa soo dhaweeyey saraakiil iyo madax kale oo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo waliba Qaar kamid ah Shacabka iyo Xubno Ay kamid yihiin Isimada khaatumo Ee kusugan Magaalada Moqdisho..
Dr: Cali Ciise Cabdi wuxuu ka mid yahay xubnaha sida weyn loogu tuhmayo in loo magacaabi doono Raysal wasaaraha Soomaaliya, walow ay jiri karaan inuu hawlo kale oo shaqo u socdey. Dr: Cali Ciise Cabdi wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka dalalka Afrika ugu Khibrada badan, marka laga hadlayo arimaha dhaqalaaha, Siyaasada iyo xalinta Khilaafaadka caalamiga ah.
Wuxuu ka shaqeeyey sanduuqa Lacagta ee aduunka, IMF, wuxuu arimaha siyaasada dhaqaalaha, iyo amniga kala taliyey in ka badan 30 dal oo ku yaala Afrika iyo Bariga dhexe iyo weliba qaar ka mid ah kuwa galbeedka. hada wuxuu mid yahay hay’ada HESPI, wuxuu kaloo ahaa mid ka mid ah Aasaasayaashii maamulka Khaatumo State.