Suldaanka & Chief Caaqilka Beesha Garab sare (Nuux Cumar/ Hinjiye) oo Ceerigaabo gaaray.
Suldaanka Beelaha Nuux Cumar/Hinjiye (Garab sare- Warsangeli) Suldaan Axmed Bashiir Ducaale & Chief Nabadoonka Beesha Nuux Cumar Cige Jaamac Shire Nuux ayaa maalinimadii shalay gaaray magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag kadib markii ay ka soo kicitimeen Degmadda Yube oo todobaadkii hore lagu caleemo saaray.
Boqolaal Dadweyne ah ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey gudaha magaaladda & banaankeeda Weftiga Suldaanka iyagoo ku dhawaaqayey erayo soo dhoweyn ah.
Suldaan Axmed oo kula hadlay dadkii soo dhoweeyey & Saxaafadda guriga uu ka degay Ceerigaabo ayaa si weyn ugu mahadceliyey isagoo xusay in socdaalkoodu ku wajahnaa sidii laysu baran lahaa loona kala war qaadan lahaa.
Qaar ka mid ah madax dhaqameedkii soo dhoweeyey Suldaaka & Weftigiisa ayaa iyana halkaas ka hadlay iyagoo xusay sida ay ugu faraxsan yihiin sodaalka Suldaanka & Chief Nabadoonka.
Shirkii Yubbe.
Beesha Nuux Cumar (Garab sare) oo degta Galbeedka & Bartamaha Gobolka Sanaag ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey shir balaaran uga socday Degmadda Yube oo qiyaastii 30km u jirta Magaaladda Ceeri gaabo.
Shirkaas ayaa lagaga hadlayey aayaha Gobolka Sanaag & sidii loo yeelan lahaa aragti midaysan waxaana shirka barbar socday shirar kale oo beelaha Reer Saalax & Aadan Siciid uga kala socday Magaaladda Mindigale & Deegaanka Caro weyn.
Shirka Yube waxaa lagu doortay Suldaan, Suldaan. Axmed Bashiir Ducaale oo horay Aabihii intii uusan dhiman u ahaan jiray Caaqilka guud beesha Nuux Cumar halka Chief Caaqil/Nabadoon loogu doortay Cige Jaamac Shire Nuux.
Suldaan. Axmed Bashiir Ducaale.
Gaadiidkii soo dhoweynayey Suldaanka & Chief Nabadoonka.
Suldaan Bashiir oo caleemo saarkiisii kadib waraysi siiyey Warbahinta wuxuu uga warbixiyey go’aamadii ka soo baxay shirkii Yube & ajandayaashii lagaga hadlayey.
Wuxuu si kulul ugu canbaareeyey Waraysigaas isku shaan dhayntii uu dhowaan ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) talaabadaas oo uu sheegay in si bareer ah loogu xadgudbay saamigii ay beeshu ku lahayd Golahaas.