afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:31 pm | Posted by

WAR SIR AH:- Agustine Mahiga oo la filaayo in dhawaan xilka laga qaado.

Waxaa la filaayaa in dhawaan xilka laga qaado ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustine Mahiga iyadoona xilkaasi loo dhiibi doono mas’uul kale.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa la sheegayaa inuu diyaariyay cidii xilkaasi qaban lahayd, iyadoona sidoo kale la filaayo in Mahiga xilka laga wareejiyo marka lasoo magacaabo Ra’iisul wasaare islamarkaan lasoo dhiso ra’iisul wasaare cusub.

Mahiga ayaa markaan waxaa biyo ugu galay godkiisa, waxaana uu ahaa nin rabay ilaa muddo in uu xilkaan sii haayo laakiin waxaa loo sheegay in siyaasadiisa ay ku ekeed oo kaliya marxaladii xilkaasi loogu dhiibay,

laakiinse markaan loo baahanyahay in nin isbedalkaan ka qeyb qaata uu xilkaasi qabto. Waxaa jirtay eedeen badan oo Mahiga loo soo jeediyay, waxaana taasi ay ka dambeysay ka dib markii uu si toos ah faraha ula soo galay siyaasada Soomaaliya isagoona waxyaabo badan lagu dhaliilay.

Hadaba tani waxay Mahiga ku noqon doontaa dhabar jab aan caadi ahayn maadaama in badanba uu isdaba marin siyaasadeed ka sameeyay wadanka Soomaaliya oo wakiil uu uga ahaa Qaramada Midooba

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “WAR SIR AH:- Agustine Mahiga oo la filaayo in dhawaan xilka laga qaado.”

  1. khadar cali
    October 3, 2012 - 5:33 pm

    maasha allah wan soo dhawaydanaa rajiimka xunka in laga qaado xilka
    soomalia waa baabiyay

    Reply
  2. ahmed
    October 3, 2012 - 8:20 pm

    waa alxamdu lillahi haddii ninkan si xun u dhexgalay siyaasadda soomaaliya una kala qaybshay qabiillo, taageerina jiray kuwa xaq darrada ku socda lagaqaadayo xilka. hadda ku meel gaar waa dhammaaday umana baahnin dhibkiisa intaas ha ku ekaado wixii uu horay u khalday sida xildhibaannadii te ee uu faroole siiyeyna dib haloo saxo. waa mahad alle ninkaas soomaali ha dhaafo.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM