afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:26 am | Posted by

WARBIXIN CAJIIB AH:-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiinta xil doonka ah maxaa maanta kala haysta.

Iyadoo madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga filaayay inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa hadana maanta waxaa si aan caadi ahayn
madaxtooyada ugu qul qulaaya siyaasiin aad u badan misane xil doon ah.

Waxaa jirta in ka badan 10 siyaasi oo dalka qaarkood caan ka ah ay si hoose u daba socdaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga dhigo ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah siyaasiintaan ayaa aroor hore ku kala hay xafiiska madaxweynaha waxaana dhanka kale madaxweynaha uu aad uga fikiraayaa cidii uu ka dhigi
lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirta in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo gaba gabeeyay wada tashiyadii ku aadan soo xulista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana la filaayaa in dhawaan uu soo magacaabo mas’uulka xilkaasi qaban lahaa.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha oo aad ugu wareeray qal qaalada badan ee siyaasiintaan ayaa waxaa lagu wadaa in si kama dambees ah xilliyada soo aadan uu ugu dhawaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM