(Daawo Sawiro) Munaasibada Lagu Daah Furayey Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle Oo Maanta Ka Dhacday Magaalada Buuhoodle
Munaasibad balaadhan oo lagu daah furayey Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ayaa maanta ka dhacday Magaalada Buuhoodle,.
iyadoona munaasibadaasi ay kasoo qayb galeen Waxgarad, Aqoonyahano, Culuma Awdiin, Qaar Kamid Madaxda Maamulka Khaatumo State, Dhalinyaro, Haween, Ururada Bulshada, iyo sidoo kale Wafuud heer caalami ah oo kala imi Jaamacdaha ku yaal Magaalooyinka Bosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Laascaanood, iyo Deegaanada ku hareeraysan Magaalada Buuhoodle.
Hadaba waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, isagoona si weyn ugu soo dhoweeyey dhamaanba madaxdii ka kala timi Gobolada kala duwan ee dalka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi hadalo kasoo jeediyey Mas’uuliyiintii ka kala socotay Jaamacadaha kala duwan ee Magaalooyinkii aan hore u soo sheegnay kuwaas oo dhamaantood si aada u soo dhoweeyey furitaanka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.
Hadaba waxaa ugu dambayntii soo gaba gabeeyey munaasibadani Suldaan Siciid Cismaan Cali oo kamid ah Gollaha Dhaqanka ee Gobolka Cayn, isagoona geestiisa si weyn u soo dhoweeyey Jaamacada isla markaasna ugu duceeyey in ay noqoto mid waarta oo taaba gasha.
Halkan Ka Daawo Sawiradii Munaasibada
Si kastaba ha ahaatee munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay Jawi dagan, iyagoona dhamaanba dad weynihii kasoo qayb galay ay si weyn u soo dhoweeyeen furitaanka Jaamacadani.
Fiiro Gaar Ah:- Wixii faah faahin dheeraad ah ee ku saabsan dhanka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle waxaad kala soo xidhiidh kartaa lambarkan oo ah ka gudoomiyaha Jaamacada Tell: 00252 24369898.
Maxamed Cali Bile
Email maxamed1100@gmail.com




















