afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:08 pm | Posted by

(Daawo Vedio) Fanaanad Caana Oo U Dhalatay Dalka Faransiiska Oo Lagu Magacaabo Georgiades Oo Iyada Oo Xijaab Xidhan Laga Arkay Tvyada Dalkaas

Fanaanad caan ka ah oo u dhalatay Dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Georgiades kuna magac dheerayd Diam ayaa si weyn loogu arkay muuqaalkeeda Tvyada Dalka Faransiiska iyada oo xidhan xijaab, muuqaalka fanaanadani ayaa dad badan ay la yaabeen maadaama muuqaalkii hore looga bartay fanaanadani mid kan ka duwan.

Fanaanadan ayaa waxaa looga bartay ama ay caan ku ahayd heesaha Rapka waxaana mar qudha la waayey meel ay ka baxday, iyadoona aan kasoo muuqan maslaxyadii ay ka heesi jirtay tan iyo sanadkii 2009.

Hadaba waxaa fanaanadani mar qudha laga arkay tv-ga Dalka Faransiiska, iyadoona waraysi siisay Tv-ga TF1 waxa ayna sheegtay in ay gashay diinta islaamka ama ay islaam tay. Georgiades ayaa sheegtay in ay aragtay nolosha dhabta ah kadib markii ay baadhitaan ku samaysay nolosheeda una kuur gashayn nolosha dhabta ah waxa ay tahay isla markaasna aysan noloshu ahayn Caanimo, Lacag, iyo Daroogo la isticmaalo.

Georgiades ayaa ka sheekaysay dhacdo ku sababtay in ay gasho diinteena suuban ee furqaan, Hadaba daawo muuqaalka Georgiades iyada oo ka hadlaysa arimo badan isla mar ahaan taana iftiiminaysa waxa ku sababay in ay gasho diinta islaamka Halkan Hoose Ka Daawo.

 

Halkanka Riix Oo Daawo Video-ga

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM