afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:42 am | Posted by

DHAGAYSO:-Maxamuud C/laahi Waqaa “Wasiirka Arimaha gudaha wuu ii hanjabay isaga oo kursigeygii baarlamaanka xoogay”

Maxamuud C/laahi Wehliye Waqaa oo ka mid ah xildhibaanadii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud uu xoogay kusrigii uu ku lahaa baarlamaanka Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay isagoona dhanka kale sheegay in uu hanjabaad aan caadi ahayn kala kulmay.

Mr. Waqaa sidoo kale waxa uu sheegay in habeen walba uu soo wacaayo wasiirka islamarkaana uu u sheego hadii aanu arimihiisa faraha kala bixin inuu dili doono waa sida uu hadalka u dhigaye. “Wasiirka Arimaha gudaha wuu ii hanjabay isaga oo kursigeygii baarlamaanka xoogay, waan ku dilaa ayuu i dhahaa, mida kale nin Al-qaacida ah ayuu ka dhigay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inuu yahay si isaga xildhibaan looga dhigo sidaasi darteed anaga arintaasi dacwad ayaan ka qabnaa” Waqaa ayaa sidaasi yiri.

Ugu dambeen xildhibaan Waqaa ayaa sheegay in maxkamad uu la kori doono wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud, isagoona ku cel celiyay in waxa ka go’an ay tahay sidii wixii xaq uu lahaa cadaalada ku keensan doona.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan kasoo yeeray Waqaa ayaa waxa uu imaanayaa xilli Waqaa iyo rag kale oo aad u badan ay waayeen xilkii baarlamaanka ay ka hayeen maadaama isbedal uu dhacay.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM