afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:24 am | Posted by

Maxamed C/laahi Farmaajo rajo intee la eg ayuu ka qabaa inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Iyadoo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga filaayo inuu dhawaan soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa hoos usii socota saadaashii ku aadaneed in xilkaasi loo magacaabo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Farmaajo ayaa goor dhaw mar aynu qadka taleefanka kula sheekeeysanay ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu rajadaasi qabo, hase ahaatee waxa uu inoo sheegay in madaxweynaha markii uu wax walba ku dhawaaqo la ogaan doono.

Sidoo kale Farmaajo markaan hadalkiisa lagama dareemaayo inay jirto rajo ku saabsan inuu noqon doono ra’iisulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, laakiinse waxaa jirta ilo ku dhaw dhaw madaxweynaha oo sheegaaya in Farmaajo uu ka mid yahay xubnaha ugu cad cad xilligaan.

Dhanka kale waxaa jirrta in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhanka kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay xubno ka mid ah beesha caalamka, kuwaas oo iyana kula talinaaya madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya inuu soo magacaabo shaqsi wax badan ka qaban kara xaaladda Soomaaliya.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM