Faah faahin Dheeraad ah Oo kasoo Baxaysa Qarax Caawa ka dhacay Laascaanood
Wararka naga soogaadhaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in bamgacmeed caawa lagu weeraray qaarkamid Ciidamad boolisk magaalada laascaanood,kuwaas oo roondo kawaday gudaha magaalada laascaanood.
Ciidamada lagu tuuray bamgaceedka ayaa katirsanaa ciidamada booliska ee somaliland ee magaalada laascaanood xili ay kusug naayeen mid kamid makhaayadaha lagu qayilo oo ay doonayeen inay xidhaan si ay ubandoogareeyaan magaalada.
Wariyaha Shabakada afbakayle.com ayaa sidda uu kusoo waramayo sheegay in qaraxan uu ahaa bambada laga tuuro gacanta islamarkaan lala beegsaday qaarkamid ah horgalada ciidamada silaanye ee kusugan laascaanood kusaaw oo waday Roondo ay inta badan ciidamada somaliland ku sameeyaan laascaanood.
Qaraxn ayaa inta la og yahay gayste qasaare labo qof oo dhaawac ah,labadan qof ayaa kala ah qof dumar ah oo kamid ah shacabka magaalada iyo mid kamid ah ciidamada booliska laascaanood oo iyagu xilgaa Waday dhibataynta shacabka laascaanood ,dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa loola carary cusbitaalka laascaanood halkaas oo lagu dabiibayo.