Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo aadan la filaayo in Ra’iisul wasaare uu ku dhawaaqo (YUU MAGACAABI DOONAA)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo aadan waxaa laga filaayaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoona hadal heen
aan caadi ahayn ay xilligaan taagantahay. Madaxweynaha waxaa la sheegayaa in saacadaha soo aadan uu si kama dambees ah u shaacin doono cida qabaneysa xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,
waxaana dadka qaar ay hadal haayaan in xilkaasi loo magacaabaayo maxamed C/laahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa jira Musharaxiin aad u badan misane doonaaya in loo magacaabo xilkaan oo kusii qul qulaaya xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, lagana yaabo in saacado ka dib xilkaasi lagu dhawaaqo.
Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahaan oo dhan waxaa laga war dhowraayay inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyadoona maalmo shan ah ay u hartay.