Aqriso Taariikh Nololeedka Raizul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ee Galabta lagu Dhawaaqay (Taariiq Kooban)
R/wasaaraha Soomaaliya magaciisa waa Dr Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” waa dhaqaal yahan khibrad dheer u leh dhanka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Dr Cabdi R/wasaaraha dalka waxa uu ka qalinjabiyay jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr sanadka markii uu ahaa 1983, taas oo uu ka qaatay shahaadada Baajulaar ee dhaqaalaha.
Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 kasoo shaqeeyay wasaaradii maaliyada iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaal yahan halkaas uu 1985 u wareegay ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uuna la soo shaqeeyay shirkadii lagu magacaabijiray Bretton woods instatutions isla markaana uu ahaa aas aasihii iyo milkiilihii shirkada loo yaqaano shirdon international Ltd ilaa 1991.
Dagaalkii sukeeye ee ka dhacay dalka sanadka markii uu ahaa 1991 ayuu u guuray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya markaas oo uu noqday aas aasihii iyo milkiilihii shirkada looyaqaan shitreco Ltd iyo Shaam.
R/wasaaraha cusub ee dalka ayaa ahaa mudadii uu burka jiray shaqsi u dhuun duleela siyaasada dalka Soomaaliya hadba meesha uu mareyso.
Dr Cabdi Faarax Shirdon ayaa loo doortay May 2012 guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha rajo forum.
Saacid waxa uu leeyaha 4 caruur ah iyo xaas waxaana xaaska R/wasaaraha lagu magacaaba Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
Fadlan Ka dhiibo fekerkaaga Sida Ugu Macquulsan Waxa Ka reeban Cay iyo qabiil
War ninkan madaxwaynaha waxaan ka sugaynay inuu soo magacaabo nin khibrad siyaasadeed leh oo caalamka wax la qaybsan karee mid isagaba xagga waxbarashada kasii hooseeya buu soomagacaabay sida la sheegayo waxaan u malaynayaa nin isaga uun ka amar qaata inuu soo magacowday. Kii ummadda u adeega Allah ha ka yeelo
lagama filayn madax waynaha ninkan iyo midlamid ah toona waxaanala moodayay hassan sheekh in uu tixgelinayo rabitaanka shacabka waxaana shacabku ubaahnaa mid badbaadiya oo iyaasada soomaalia aqoon dheeraada uleh dowladaha dediskaana la xisaabtamikara sida mudane farmaajo iy? dr cali ciise c/ prf cali khaliif iwm waamaxaykana ilaahay hakayeelo kii umada kasaarilahaa dhibaatada
Waxan u arkaa okeliya ganacsatada islii oo villa somalia kusoo durduraysa
Waxa aanu u aragnaa R,isalwasaaraha cusub hadii aanu mahay reer Somaliland nin ku wanaagsan jagada loo magacaabay marka hore waa nin u dhashay Koonfurta Somalia waana nin ixtiraam wayn u haya Somaliland.
Mida kale waxa aanu aad ugu faraxsanahay guul darada soo gaadhay ragii jagadan hungurigu ka hayay ee ka soo jeeday Manjeerteen iyo Dhulbahante oo labadooduba cadaw u ah qararnimada Somaliland taas oo aan ugu balan qaadnay in aanay meel gaadhin inta ay daba taagan yihiin qaranimada Somaliland.
hadal waxa aan ku soo koobayaa ilaah ha u fududeeyo raisal wasaaraha xilka loo magacaabay kooxdii Khaatumo seegna ilaah talada ha waafijiyo.
marka hore waxan leenahay hambalyo PM marlabad khayr ba la fisha mar kastaba shar uun lama fisho dadkuna kolay shaqo ayay isku bartan maalin hore waxan baranay Mudane Farmaajo oon aad ugu riyaaqnay Maantana waxan baran doona Mudane Saacid .
Kolay ninkii hawshiisa gaba kursigan kuma dhaganaan doono Saacidna waxan ka filayna hadii uu xaqiijin waayo waxii laga sugayay in uu aayar ka fulo oo kuu ka dhaqaajiyo laakin waxas oo dhan waxa ka sii muhim san shacabkii samayn laha dawlada ma nahay tas aan is weydiino???
miskiiin horta waxa yaableh cida ad gesiga utahaybabanan garanayn horta marlabadkana run ha ku hugoobin maha kani kuwad laluushka ulaabijiraye beerlaxawsiga iyo beer jileeca iska daa horaan kuu iri aniga hal meela uunban diidana waxan diidana kan aad iska wad wadato ee aad marba habar dhamatay bootarka usoo marmariso ee faroole kiina ku guulaystay ok damanaad tahaye mareexan waa kuwa ciilka kuu qaba ee aad guryohoodii xalshatay iyo hantidoodii doqontu halka udaran bay ilowadaa may kani mid ku yaqan iyo midad laluush siin kartid mahan lasoco baybay
halkaan fadhiyo iyo halkuu fadhiyana waa hal mida ee tana labta ku hay walee wad welwel santahay insdhahagan ka arkaye
salaan sare.
Maalmahan waxaa soomalidu dhaqan ka dhigatay inay qof walba DR or Profesor or Genaral iska magcaabaan. Fadlan waxaan kula talinayaa wiilasha yaryar ee meel walba la taagan DR in fahmaan micnihiisa. waxaad leedihiin Gahayr buu ka baxay 83 hadana meel uu Master degree ama PHD qaatay ma haysaan. war DR howl baa loo maraa ee la socda. NB: Anigu marnaba kama xumi qofkii shahaadadaas ee loogu yeero laakiin hadaad kii lafoole labo sano oo shahaado macalinimo ka soo qaatay ugu yeertaan Proff or DR hade waa ayaan daro.