Kulan looga hadlayay ammaanka oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo
Kulan looga hadlayay ammaanka ayaa xalay waxaa uu Dekeda magaalada Kismaayo ku dhex maray Saraakiisha ciidamada dowladda, Kenya iyo kuwa Raaskambooni, iyadoo kulankan laga soo saarayo go’aano dhinaca ammaanka oo lagu xaqiijinayo magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka kulankan oo muddo saacado socday ayaa waxaa lagu lafa guray xaaladaha ammaanka magaalada iyo sida xilligan dhinacyada ku wada sugan magaalada ay isaga kaashan karaan amniga.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Kenya ay ku wargeliyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni in aanay sameyn wax xadgudub ah ama xiisad dhexdooda ah, si aanay ammaanka magaalada u saameyn.
Sarkaal ka tirsan dowladda oo diiday magaciisa ayaa u sheegay mid ka mid ah in Saraakiisha Kenyanka ay soo jeediyeen in Xaafadaha magaalada la geeyo ciidamo isku dhaf ah, si amniga loo sugo.
Sidoo kale waxaa loogu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka inay ka qeyb qaataan howlaha nabadgelyada magaalada, iyo sidii wada shaqeyn ay u dhex mari lahaayeen, inkastoo kulankan aanay ka qeyb gelin qeybaha bulshada, odayaasha iyo waxgaradka.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii todobaadkii hore ay magaalada la wareegeen Ciidamada xulafada ayaa waxaa isa soo tarayay cabsida laga qabay in dagaal dhinaca awooda maamulka uu ka dhex bilowday Ciidamada kala socda ee aan isku mabda’a aheyn, waxaana isha lagu hayaa sida xaalada magaalada ay noqon doonto, maadaama ay ku caan aheyd dagaalada iyo beelaha isku hayay awooda maamulka.