Maamul goboleedka Puntland oo amray in la xiro ideecad Boosaaso ku taal (Waa maxay sababtu?)
Maamul goboleedka Puntland ee xaruntiisu tahay degmadda Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa amar uu soo saaray albaabada loogu laabay ideecad madaxbanaan oo la yiraahdo radio horseed taasi oo ku taala magaaladda Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Xiritaankan ayaa yimid kadib markii ideecadaasi la gaarsiiyey warqad amar ah oo ka timid wasaaradda warfaafinta ee maamul goboleedkaasi, taasi oo uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta ee maamulkaa Maxamed Diiriye Ceydiid.
Wasiirka warfaafinta Puntland waxa uu ku eedeeyey ideecadu inay jebisay amarkii ka soo baxay maamul goboleedka Puntland ee ahaa in saxaafaddu aaney ka hor imaan maamulka balse ay la shaqeyso, amarkaasi oo xadgudub ku ah madaxbanaanida iyo dhexdhexaadnimada saxaafadda.
Maamulka Cabdiraxmaan Faroole ee Garoowe ayaa dhowaanahan caburin ku hayey saxaafadda ka howlgasha Puntland iyaga qoonsaday warar ku saabsan doorashooyinka maamul goboleedkaas ee Cabdiraxmaan Faroole dib u dhigay iyo amaandari ay saxaafaddu sheegtay inay ku soo xoogeysaneyso degaanadaasi balse warfidiyeenadu waxa ay sheegeen inaaney xaqiiqda jirta qarin karin si kasta oo loo xiro.