afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:08 am | Posted by

Madaxweyne Xasan Sheikh: Faroole Waxa Uu Doonaya in Lagu Qanciyo Waji Qabiil

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shaaca ka qaaday in C/raxmaan Faroole uu doonayo in lagu qanciyo waji qabiil, madaxweynaha ayaa sheegay in qadka Telka ay kuwada hadleen C/raxmaan Faroole islamarkaana uu dalbadan in la aqbalo shaqsiga uu isaga u wato in laga dhigo Raisul wasaaraha Somalia balse Xasan sheikh uu arintaasi kabiya diiday

Xasan Sheikh ayaa sheegay in Xilka Raisul wasaaranimo uu u magacaabi doono ruuxa uu u arko inuu kasoo bixi karo xilkaasi waxa uuna xusay in shaqsigaasi laga soo dhex saari doono Beelaha xaqa u leh in loo magacaabo

Madaxweyne xasan sheikh ayaa kadigay in masuuliyiinta gobolada hoostaga dowlada Somalia ay ka fogaadan waxa loogu yeeray Qabiilka waxa uuna tilmaamay madaxweynaha in xukuumadiisu tahay mid isbedel doon ah oo lasoo bixi doonto muuqaal siyaasadeed oo aan horay loogu arkin

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu yahay shaqsi aan ku adkeyn waxa loogu yeero qabiilka balse uu gudanaayo Masuuliyada ka saran wax u qabadka dalka iyo dadka soomaaliyeed

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdiho/Somalia

Afbakaylnews@gmail.com

 

Fadlan Ka dhiibo fekerkaaga Sida Ugu Macquulsan Waxa Ka reeban Cay iyo qabiil

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

4 Comments for “Madaxweyne Xasan Sheikh: Faroole Waxa Uu Doonaya in Lagu Qanciyo Waji Qabiil”

  1. shaywaal
    October 6, 2012 - 10:14 am

    faroole in wakhti layskaga lumiyo maaha waa shaqsi cuqdadaysan

    Reply
  2. cabdibaasid cabdiraxmaan
    October 6, 2012 - 10:44 am

    marka hore waxaan salaamaya umada somaliyeed meel wal bo ooy joogaan marka labadna shebekada afbakayle oo runtii markaan soo koocoba aan warkooga aqristo ani magacaygu waa cabdi baasid cabdi raxmaan waxaan kasoo jeeda maamul goboleedka khaatumo gaar ahaan magaalada lasacanod ani rayigaygu waa madaxweynuhu isgaa ayaa awoood uleh inuu katashado aayahay wadankiisa isgaa ayaa xaq ukeh inu soo magaacabo ku xigeenkiiisa hadaba dadka doonaya iney ku dheelan magaca somaliyeed beentana iska dhaahdicye ee ismodey somaliya keligood iney iyagu leeyihiin waxan usheegaynaa inay faraha kala baxaan maamulka somaliyeed waxaanleeyahay [ha siku gelin gambaanyahaw gawsdanbeedka nbiriga wakhtigaagiina wuu dhamaaday waxba laga aqbali maayee haku daayo warkaasi]

    Reply
  3. Abdulrahman
    October 6, 2012 - 11:22 am

    scw waan salaamayaa bahda afbakayle iyo dhammaan shacabka somaliyeed,waxaan u arkaa xasan sheikh shakhsigii loo baahnaa inuu yahay waana nin adag aniga aragtidayda mar hadduu faroole meel iska mariyey ilaah ha daayo hana ka dhigo kii dadka iyo dadka anfaca

    Reply
  4. faaqid
    October 6, 2012 - 12:05 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walee faroole waa kuhungoobay arinkaas waayo wuxumooday meeshu inay sidii hore tahay maba oga xita in isagaba masuul lagayahay oo uusan wax aan loo ogalaninba uusan qaban karin wixi hada kadanbeeyo, tankale faroole kursigaan uu kuwashay horta yaa leh waa suaale ?
    waxan kaloon leeyahay haduusan caga dhiganin ha ogaado inkiisa hada uukufadhiyo lagusowajahan yahay oo uusan kuloolamidoonin

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM