Siyaasiin wadnaha farta ku haaya iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhegaha u taagaaya cida noqon doonta Ra’iisul wasaare.
Siyaasiin Soomaaliyeed misane rajo ka qaba in ra’iisul wasaare laga dhigo ayaa waxaa la sheegayaa in xilligaan ay wadnaha farta ku haayaan, waxaana dhanka kale maanta dhegta ay u taagantahay shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo sugaaya inay maqlaan cida ra’iisul wasaare loo magacaabi lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa laga filaayaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana warar hoose ay sheegayaan in loo soo magacaabi doono xilkaasi Saacid oo ka mid ah xisbiga madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ayaa badi waxay hadal haayaan in xilkaasi loo soo magacaabi doono Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ay u arkaan inuu yahay nin karmeed wax badan ka qaban kara dalka Soomaaliya xilligaan aynu haatan joogno.
Si kastaba ha ahaatee maanta ayaa si kama dambees ah waxaa la filaayaa in loo soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoona xilligaan aanay jirin cid la dhihi karo madaxweynaha wuu qorsheeyay marka laga reebo hadal heenta iyo wararka hoose ee soo baxaaya.