afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:48 pm | Posted by

War Deg Deg ah Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Cuusb ee Somalia oo muddo laga sugayay!!!

Waxaa Goordhaw Xaflad si heer sare loo soo agaasimay laguna Qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaga Dhawaaqay Shaqsiga noqonaya R/Wasaaraha Soomaaliya 4-ta Sanno ee soo socota.

Madaxweynaha ayaana ku dhawaaqay C/qaadir Faarax Garaad oo ku magac dheer (Saacid ) in uu yahay Raizul Wasaaraha Soomaaaliya 4-ta Sano ee soo socota loogana fadhiyo isna in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo wax badan Dalka ka qabata.

Masuulkan Goordhaw loo Magacaabay R/Wasaaraaha Soomaaliya ayaa saacadhiihi lasoo dhaafay lasaadaalinayay in uu noqon doono ninka noqona Raizul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya sidii aad kaga bogateen Wararkeenii hore een daabacnay.

R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa hada kusugan Xarunta Mdaxatooyada ee goordhaw lagu Magacaabay ,waxaana Galbata Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada kasoo kaxeeyeen Hotelkii uu ka dagnaa Magaalada Muqdisho iyadoona la filayo in uu si rasmi ah Dhawaan u dago Xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliya.

C/qaadir Faarax Garaad oo ku magac dheer (Saacid )ayaa waxaa uu ku dhashay duleedka Caabud waaq, waxaana uu ka soo jeedaa beesha Mareexaan, reer Diini, ( reer dalal), waxayna qoys ahaan aad isu dhowyihiin R/wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo ,kwaana ninka Qaba Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi.

Saacid Faarax Garaad, wuxuu 21kii sano ee lasoo dhaafey daganaa magalaada Nairobi halkaas oo uu ku lahaa ganacsi balaaran, isagoo sidoo kalena maamuli jirey NGO la magac baxay Saacid oo qandaraasyo ka qaadan jirey xafiisyada hay’adaha UNka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Mr. Garaad waxaa una ka baxay Jaamacadii Umadda, wuxuuna ku hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaa la tilmamayaa inuu yahay Saacid nin xiriir dhow la leh labada dowladood ee ugu saameynta badan xiligan arimaha Soomaaliya faraha kula jira ee Itoobiya iyo kenya, meeshana lagama saari karo in ay dowr wayn ku lahayeen soo magacaabistiisa.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM