Deg Deg:- (Daawo Sawiro) Banaan bax lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Faarax Shirdoon Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle
Banaan bax lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Faarax Shirdoon ayaa maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle, iyadoona banaan baxani ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatumo, Waxgarad, Aqoon yahano, Siyaasiyiin, Culumo awdiin, Haween, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, iyo Waliba bulshada qaybaheeda kala duwan.
Hadaba waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay Maayarka Degmada Buuhoodle ee Maamulka Khaatumo State C/casiis Ducaale Qambi, isagoona ka dhawaajiyey taageerada buuxda ee dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle iyo guud ahaan ba deegaanada ku hareeraysanba ay ku hayaan Ra’iisal Wasaarada cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha gudaha Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, isagoona geestiisa hambalyo iyo bogaadin u diray Ra’iisal wasaaraha isla mar ahaan taana xusay inay soo dhoweynayaan Ra’iisal wasaaraha.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Madax badan oo ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaarada xidhiidhka caalamiga iyo jaalidaha ee Maamulka Khaatumo Xasan Cali Jaamac iyo sidoo kale caaqil Maxamuud Nuux San weyne oo kamid ah waxgaradka Deegaanka Buuhoodle, iyagoona dhamaantood si wada jira u soo dhoweeyey Ra’iisal wasaaraha cusub ee loo magaacabay dalka.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Si kastaba ha ahaatee banaan baxani ayaa qayb ka noqonaya banaan baxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle iyo Deegaanada ku hareersan kuwaas oo dhamaantood lagu taageerayey is badalka cusub ee dalka ka dhashay.
Wariye maxamed cali bile
moha_ali2012@hotmail.com
Buuhoodle Khaatumo State




















maanshallaah guulaysta sharaf ku noolaada , geyigii daraawiisheed,