afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:29 pm | Posted by

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee El Clasico Ee Kooxaha Barcelona v Real Madrid.

Waa kulankii 222aad ee El Clasico ee ay geesaha isgeliyaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, waxaana ay heystaan guulo isku dhow, Barcelona ayaa guusha ay raacday 87 jeer, halka Real Madrid ay waxoogaa gacanta sarre leedahay iyagoo badiyay 88 jeer.

Kulanka: Barcelona v Real Madrid

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 8:50 p.m xilliga Soomaaliya

LINE-UPKA MACQUULKA AH
BARCELONA

Valdes
Alves, Song, Mascherano, Adriano
Xavi, Busquets, Iniesta
Pedro, Messi, Sanchez

REAL MADRID

Casillas
Arbeloa, Pepe, Ramos, Marcelo?
Khedira, Alonso
Di Maria, Ozil, Ronaldo
Benzema
Barcelona ayaa maanta qiimeyn doonta xaalada fayow qabka dafaaca Gerard Pique ka hor inta aysan caawa Camp Nou kula ciyaarin Real Madrid.

Daafaca reer Spain ayaan ciyaarin muddo labo isbuuc ah sababtoo ah dhaawac ayaa ka soo gaaray canqowga, inkastoo uu shalay tababar la qaatay kooxda inteeda kale.

Carles Puyol iyo Thiago Alcantara ayaa la hubaa inay kulankaan ka maqnaanayaan, taasoo la micno ah in ciyaartoyda khadka dhexe ee la gediyay Alex Song iyo Javier Mashcerano inay badan tahay inay isku weheshan doonaan wadnaha daafaca Barcelona.

Sami Khedira iyo Angel Di Maria ayaa la filayaa inay ku soo laaban doonaan line-upka Real Madrid, kuwaasoo aan heysan wax dhaawac ah oo ay ka walwalaan.

Meesha ugu weyn ee tababare Jose Mourinho uu ku wareeri doono ayaa ah xulashadiisa kubadsameeyayaasha, iyadoo Mesut Ozil, Luka Modric, Kaka iyo Michael Essien ay dhamaan doonayaan inay ku soo bilowdaan.

MA OGTAHAY?
Barcelona ayaa wajaheysa Real Madrid kulankii 222aad ee tartamada oo dhan. Kooxda Catalans waxa ay badisay 87 jeer, halka Real Madrid ay badisay 88 jeer.
Blaugrana ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan ah tan iyo intii guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Madrid koobkii Supercopa.
Hadii Barca ay badiso caawa, waxa ay ka dhigan tahay ku bilaabashadoodii ugu fiicneyd horyaalka ee abid.
Alexis Sanchez ayaa qarka u saaran inuu kulankiisii 50aad u safto kooxda Catalans.
Real Madrid ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.
Los Blancos ayaa badisay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga ee ay qoorta isku galaan Barcelona, halka lix kulan laga badiyay kulanka kalena barbaro ayay ku kala baxeen.
Rikoorka Jose Mourinho ee kaga horyimid Barcelona intii uu macalin u ahaa Chelsea, Inter iyo Real Madrid waa sida tan: Waxa uu badiyay lix kulan, waxa ay uu barbaro kala kulmay 7 kulan, waxaana ay guuldarro ka soo gaartay 10 kulan. Barca ayaana ah kooxda ugu badan ee guuldarro soo gaarsiisa Mourinho intii uu macalin ahaa.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu labo gool dheer yahay dhigiisa Barca Lionel Messi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM