Liverpool Oo Barbar Dhac Gool La,aan kula Dhacaday kooxda Stoke City oo marti ku aheyd Anfield.
Liverpool ayaa barbaro goolal la’aan ah waxa ay kala kulantay kooxda Stoke City oo marti ku aheyd Anfield.
Reds oo ku badisay garoonkeeda sannadkan 2012 labo kulan oo horyaalka ah kaliya, ayaa sababaha ka danbeysay ay ahaayeen kuwa iska cad, iyagoo weysanaa gooldhaliye fursadahooda shabaqa ku hubsan kara.
Liverpool ayaa ciyaarta iyo kubada inteeda badan heysatay, waxaana ay qasaariyeen fursado qaali ah oo soo maray.
Luis Suarez, Daniel Agger, Johnson iyo Steven Gerrard ayaa intoodaba u dhawaaday inay hogaanka u dhiibaan Liverpool, laakiin fursadii ugu qaalisaneyd waxa ay soo martay ciyaarta oo labo daqiiqo dhiman ka dib markii kubad shabaqa ku socotay oo uu tuuray Skertel ay birta ka beenisay.
Liverpool oo ciyaartay ilaa iyo haatan todoba kulan oo Premier League ayaa leh lix dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 14aad