afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:43 pm | Posted by

Manchester United Oo Guul Raaxo Leh Kaga Gaartay St James Park Kooxda Newcastle United

Manchester United ayaa guul raaxo leh oo 3-0 ah kaga gaartay garoonka St James Park kooxda Newcastle United, iyadoo ciyaartaan ay mar kale keentay in lagu baaqo teknooloojiyada xariiqda goolka.

Manchester United oo ciyaarta ku bilaabatay si fiican ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 8aad markii ciyaaryahan Jonny Evans uu kubad madax aheyd shabaqa ku hubsaday.

Laakiin qaab ciyaareedkii Man United waxa ay u sii keentay in 7 daqiiqo ka dib uu hogaanka u sii dheereeyo Patrice Evra kaasoo dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda Red Devils.

Bilowgii qeybta labaad ayaa Newcastle United ay carcar la soo baxday, waxaana ay ku doodeen inay gool soo celiyeen, laakiin waxaa diiday garsoore Howard Webb ka dib markii qalqal uu galay De Gea ay keentay inuu kubad madax aheyd oo ka timid Cisse uu xariiqinta goolka ka soo celiyo, inkastoo Newcastle ay ku dooday in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka.

Laakiin murankaas ku aadan in kubada xariiqda dhaaftay iyo in kale waxaa dadka ilowsiiyay daqiiqadii 71aad ciyaaryahan Tom Celeverly oo kubad cajiib ah oo uu ka soo qaaday banaanka diilinta ganaaxa uu shabaqa meel kore oo ciriiri ah ka geliyay. Waxaana ay United hogaanka ciyaarta ku sii dheereysatay 3-0.

Manchester United ayaana soo gashay kaalinta labaad iyagoo leh 15 dhibcood islamarkaana afar dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Chelsea 7 kulan oo la ciyaaray horyaalka ka dib.

Kooxda Tottenham ayaa iyadana waxa ay 2-0 kaga talaabsatay Aston Villa, halka Southampton iyo Fulham ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM