afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:49 pm | Posted by

DAAWO:-Kulan Balaadhan Oo Maanta Dhex Marey Cuqaasha Gobolka Cayn Hadaba Maxaa Kasoo Baxay kulankaas

Kulan Balaadhan Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Buuhoodle Kulankan Oo Looga Hadleyey Laguna Dhaleeceeynayey Horgalo Dhawaan Ka Ambabaxay Gudaha Magaalada Buuhoodle.

Kulankan Oo Ay Soo Agaasimeen Bulshoweynta Gobolka Cayn, Yadoo Ajandaha Kulankani Ahaa Mid Looga Soo Horjeedo Wafti Horgalayaal Ah Oo Dhawaan Ka Ambabaxay Gudaha Magaalada Buuhoodle.

Kulanakan Oo Ay Iskugu Yimaadeen Dhamaanba Cuqaasha Gobolka Cayn, Waxgarad, Ganacsato,Culimaa’udiin, Iyo Ururada Dhalinyarada gobolka Cayn.

Kulanka Ay Gobol Dhigeen Cuqasha Gobolka Cayn,  Ayaa Ahaa Mid Cod Mideysan Ay Kaga Jawaab Bixinayeen, Horgalo Dhawaan Ka Ambabaxay Gudaha Magaalada Buuhoodle, Kuwaasi Oo Raacey Horgale Saleebaan Ciise Axmed”Cadow-Toosiye”, Yadoo Maanta Ay Cod Mideysan Oo Kalsooni Ku Jirto Ay Bulshaweynta Reer Buuhoodle Kaga Soo Horjeesteen, Isla Markaana Dhaleeceyn Balaadhan Ay Dusha U Saareen Waftiga Iskugu Jirta Horgalayaasha Ee U Ambaxay Magaalada Hargeisa Iyo Maamulka SNM.

Waxaana Ugu Horeyba Madashaasi Ka Hadley, Jiif Caaqil Abshir Kooreye, Yadoo Caaqil Oo Ku Dheeraadey Dhaleeceyn Balaadhan Oo Uu Usoo Jeedinayay  Wafti Aan Matalin Cuqaasha Gobolka Cayn Iyo Bulshoweynta Reer Buuhoodle Ba, Yadoo Jiif Caaqilkani Sheegay In Aaney Dadkaasi Matalin Umada Reer Buuhoodle, Meel Kadhacna Ku Tahay.

Dhanka Kale Waxaa Yana Madashaasi Ka Hadley Cuqaal Aah U Fara Badan Oo Yana Sidoo Kale Cambaareysay Waftigan Horgalada Iskugu Jira Ee dhawaan Ka Ambabaxay Gudaha Magaalada Buuhoodle Isla Markaana Uu Horkacayey Horgale Saleeban Ciise Axmed”Cadow-Toosiye” Cuqaashan Oo Iskugu Jirta,Caaqil Axmed Muuse Aadan, Sanweyne Nuux Maxamed, Caaqil Xaaji Maxamed Cumar Gole,,Caaqil Axmed Xaaji Cumar.

Sidoo Kale Waxaa Yana Madashaasi Ka Hadley Xubno Ka Tirsan Maamulka Khaatumo State Of somalia, Oo Uu Ugu Horeeyo Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo State, Maxamuud Sheekh Cumar Oo Ku Dheeraadey Iney Cuqaasha Gobolka Cayn Iyo Bulshaduba Ay La Shaqeeyaan Maamulkooda Isla Markaana Meel Uga Soo Jeestaan Wixii Sharaf Dhac Ku Ah Deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn Ee Maamulka Khaatumo State

Sikastaba Ha Ahaatee Maaha Markii Ugu Horeeysan Oo Cuqaasha Gobolka Cayn Iyo Bulsho weynta Reer Buuhoodle Ba Ay Cabaareyaan Waftiyo Kala Gadisan Oo Banaaba Lagu Tilmaamo Inay Yihiin Kuwo Gacan Ku Rimis Ah, Isla Markaasna U Baxa Socdaal Aan UMada Reer Buuhoodle Raali Ka Ahayn Oo Ah Inay Aadan Magaalada Hargeisa Iyo Maamulk SNM.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Kulan Baaladhan Ee Maanta Dhexmarey Cuqaasha Gobolka Cayn Iyo Bulshoweynta Reer Buuhoodle Ba.

Maxamed Cali bile

Buuhoodle

+

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM