Daawo:-Video+Xaflad Loo Dhigay Ardayda Kulliyada Luqadaha Jaamacadda Nugaal
Muanaasabadan loo qabtay qaybta luuqadaha ee jaamacada Nugaal, gaar ahaana kuliyada luqadaha, ayaa waxaaa ka soo qayb galay maamulka Guud ee jaamacada Nugaal, aqoonyahano,ardayda dhigata kuliyada luuqadaha ee jaamacada Nugaal.
Ardayda oo halkaas kusoo bandhigay luuqadii ay barteen, iyagoo ku hadlaya luqadahah kala
duwan, siiba Luuqada carabiga.
Waxaana halkaas ka hadlay macalimiinta qaybat luuqada ee jaamacada Nugaal, oo sheegay inay sii wadi doonaan dadaalkan ay ardayda ku barayaan luuqadaha ay bixinayso
jaamacada Nugaal.
Dhanka kale waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. Lafoole, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay inuu ku faraxsanahay maamul ahaan midhahan ay soo saareen macalimiinta kuliyada luuqadaha ee jaamacada Nugaal.