afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:41 am | Posted by

Daawo+Video;-Qaarkamid ah Waxgaradka Laascaanood Maamulka Faroole Ugu Baaqay inuu Jawaac Cadka bixiyo Qaadad Lagu Gubay Qardho

Kulan Saxaafadeed lagu qabtay magaaladda Laascaanood ayaa lagu soo bandhigay cabasho shixnado Qaad ah oo si sharci daro ah loogu gubey duleedka magaaladda Qardho.
Qaadkan Todobaadkii aan soo dhaafnay lagu gubey duleedka magaaladda Qardho ayaa sida uu sheegay Siciid Madaxyar oo ka mid ah dadkii wadey shixndaha la gubey ee M522 inay la xidhiidheen Taliyaha ciidanka booliska qardho balse aanay ka helin wax Jawaab ah oo qanciya.

Shirkadahan Qaadkooda Lagubey oo xaruntoodu tahay magaaladda Laascaanood caasimadda Gobolka Sool ayaa waxa odayaasha iyo waxgarakuba ku baaqayaan in talaabo maamulka Puntland ka qaadaan.

Caaqil Xasan Aadan Saleebaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu maamulka Puntland ugu baaqay inay talaabo ka qaadaan dableydaas isla markaan ay magdhaw ka bixiyaan maadaama ay cashuur bixiye ahaayeen.

Caaqilku waxa uu ku dheeraaday hadaan maamulka Puntland talaabo cad aanay ka qaadin arintan aasan masuul ka noqon doonin wixii ka yimaada

Warsame Saleebaan Dhikil oo ka mid ah odayaasha Laascaanood ayaa waxa uu maamulka Puntlan ku tilmaamay inay ku caano maashay nabad haatan taas looga fadhiyo.
Talaabadan ay dableydu qaaday ayaan horey uga dhicin degaanadda uu qaadku lugta ku dhex maro taasi oo ay ganacsatada qaarkood walaac ka muujinayaan in ay saamayn ku yeelato guud ahaan ganacsiga.

Shirkadda Jabuutaawi oo ah shirkad hawlo badan ka qabata dalka Soomaaliya ayaa ah mid dadka Gobolka Sool ku dhaqan ay si aad ah u jecel yihiin taas oo ka qay qaadata arimaha Bulshada gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka iyo weliba raadinta horumarinta degaanka

 

HALKAN RIIX SI,AAD UDAAWATO VIDEO-GA

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM