Madaxweeyne Barack Obama oo markii ugu horeeysay Taariikhda laga hadal badiyay ,Yaa Qoorta loo galiyay? ( Daawo Muuqaan ahaan)
Waxaa soo dhawaatay Doorashada xilka Madaxtinimada dalka Mareeykanka waxaana si toos ah la iskaga hor keenay Madaxweeynaha dalka Mareeykanka
Mr. Barack Hussein Obama iyo shaqsiga xilkaan kula tartamaayo waa ninka lagu magacaabo Mitt Romney.
Halkaan ka Daawo Madaxweeyne Barack Obama & Mitt Romney oo si Live ah qoorta la iskugu galiyay
Madaxweeyne Barack Hussein Obama oo markiisii hore ahaan jiray shaqsi hadal iyo Karti badan waxaad moodaa in kulankaan laga war badiyay maadaama Mr.Mitt Romney uu Obama weey diiyay su´aalo aad u kulul.
Waa markii ugu horeeysay oo si toos ah la iskaga hor keeno Masuuliyiintaan oo qudbadooda iyo Balanqaadkooda ay gudaha dalka Mareeykanka si Live ah uga daawanayeen dad tiradooda lagu sheegay 53-Milyan oo Qof.
Madaxweeyne Barack Hussein Obama balanqaadyadii uu horay u galay intooda badan wuu fuliyay sida : dhanka Caafimaadka, dhanka Dhaqaalaha iyo Ciidamada Mareeykanka oo uu ka soo saaray dalka Ciraaq.
Tijaabada ilaa hada la sameeyay cida ku Guuleeysan karta xilka Madaxtinimada dalka Mareeykanka waxaa 48,7% ku horeeya Madaxweeyne Barack Obama balse Mitt Romney oo leh 44,5% ayaa ah shaqsi aan la dhaleeysan karin marka ay Doorashada bilaabato .