Daawo+Video;-Shacabka Laascaanood Oo Ka Cabanaya Qaadka Oo Kusoo Batay Magaalada
Shacabka magaalada Laascaanood ayaa cabasho wayn ka muujiyay Qaad jaban oo dhawaanahan kusoo badanayay,Gudaha magaalada Laascaanood.
Tirada Qaadka soo gala magaalada ayaa dadku ku timaameen wax aan hore Loogu arki jirin magaalada Laascaanood. Waxaana uu saamayn ku yeeshay guud ahaan goobaha laga cunteeyo oo khasaare badani uu kasoo gaadhay.
Qaadkan ayaa laascaanood waxa uu uga yimaadaa magaalooyinka burco iyo Hargaysa, wuuuna burburiyay dhaqaalaha Magaalada Laascaanood.
Qiimaha uu hore u ahaan jiray oo ahayd $2 Dollar ayaa hada waxa uu marayaa $.25 centi oo u dhiganta 15 kun Shilin. Qaadkan jaban ayaa dhibaato weyn iyo khasaare u geystay guud ahaan shacabka kunool Magaalada iyo deegaanada hoos yimaada, kadib marki ay badatay dadka awooda cunistiisa qiimaha jaban awgeed.
HALKAN RIIX OO DAAWO QAADKA DHIBADA UU KUHAYO LAASCAANOOD
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com
Reer Lasanod iyo cid kasta oo wax ka qaban kartaa haka hortagto . Waa dhagar kale oo uu cadowga ummadda Khaatumo soo maleegey,oo ay rabaan inay daroogada ku baahiyaan degaanka Khaatumo. Waa colaad aan xasuuqa xabbadda ka dhicin kana sii duug iyo dun xun.