WAR DEG DEG AH:- Dagaal ka qarxay degmada Buurhakaba iyo Al-shabaab oo dib ugu soo laabtay degmadaasi.
Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab uu ka qarxay degmadaasi, iyadoona ciidamada Al-shabaab ay dib ugu soo laabteen halkaasi.
Dagaalkaan ayaa qarxay ka dib markii ciidamada Alshabaab ay soo weerareen ciidamo ka mid ah dowladda Soomaaliya oo damacsanaa inay qabsadaan degmadaasi, waxaana la isku adeegsanaayaa hub aad u xoogan.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay hase ahaatee dagaalka ayaa ah mid madaafiic aan caadi ahayn ay isku adeegsanaayaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamaaya.
Goobjooge ku sugan degmada Buurhakaba ayaa inoo sheegay in madaafiicda qaarkood ay kusoo dhacaayaan xaafado aan lagu dagaalameen, waxaana wararka ay intaasi ku daraayaan in Al-shabaab ay degmadaasi kusoo daabulaayaan ciidamo aad u badan.