WAR SIR AH:- Dardaarankii ugu dambeeyay ee Milles Zenawi muxuu ahaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay Millez inta aanu dhiman ka hor in dowladda walba oo Soomaaliya loo soo dhiso la daba socdo, islamarkaana ay ogaadaan hadii Soomaaliya ay hesho dowladda Taam ah in meesha ay soo aadayaan ay tahay Itoobiya.
Sidoo kale waxa uu sheegay Milles in Soomaalida Itoobiya iyana aan la saarin caadisyadii hore ee lagu hayn jiray maadaama uu sheegay in dadkaasi aan dan iyo rajo dambe ka lahayn in Soomaaliya ay ka mid ahaadaan.
Si kastaba ha ahaatee Milles ayaa ahaa nin si aad iyo aad faraha ugula jiray marxalada Soomaaliya wixii ka dambeeyay bur burkii dalka, waxaana inta badan uu ahaa mid isku daya in dalka uu wax ka maamulo.