Hogaanka Dambi Baarista Dowladda oo Sheegay inay Wiiqantay Awoodii Al-Shabaab
Taliyaha hogaanka dambi baarista Dowladda Soomaaliya ahna Afhayeeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise oo maanta warbaahinta kula hadlaaye goob ciidamada dowladda ay kusoo bandhigeen waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu sheegay inay wiiqantay gabi ahaanba awoodii Ururka Al-Shabaab ee dagaalka Dowladda iyo AMISOM kala soo horjeeday.
Korneyl Bariise ayaa sheegay in mar hadii ciidanka dowladda ay ku guuleesteen inay gacanta ku dhigaan Gobalo kamid ah dalka Soomaaliya oo ay Al-Shabaab maamulayeen soona celiyeen isku socodkii gaadiidka ee Gobaladaasi aaney jiri karin awood Al-Shabaab ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya sida uu sheegay.
C/laahi Xasan Bariise ayaa si looga guuleestay kooxaha falalka amnidarada kawada Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka Soomaaliya waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in Laamaha ammaanka ay ku gacansiiyaan sugidda ammaanka si loo helo nabadgalyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa Ururka Al-Shabaab kala wareegtay Gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya hase ahaatee waxaa xusid mudan in weli Gobaladaasi ay ka jiraan falal lidi ku ah aammaanka iyo daganaanshaha.