Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaalida ( Sawirro )
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Kampala ee dalka Ugandha wuxuu kulamo kula qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa kulanka uu la qaatay jaaliyada wuxuu ku qotomay taageero jaaliyada ay umuujinayaan isbedelka dhanka hogaanka ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo sida ay u arkaan.
Qaar kamid ah dadkii uu kulanka la qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kawada hadleen arimaha dalka Soomaaliya iyo sidii dib udhiska dalka ay kaga qeyb qaadan lahaayeen.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jaaliyada wuxuu ujeediyay qudbad ballaaran oo uu kaga hadlaayo arimo dhowr ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in jaaliyada Soomaalida ee dalka Ugandha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka ka socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu kulamo gooni gooni ah la qaatay madax kala duwan oo ka socota caalamka kuwaasi oo ay kawada hadleen arimaha Soomaaliya.





