afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:58 pm | Posted by

WAR SIR AH:- Madaxweynaha dalka Kenya oo Kismaayo booqasho ku imaan doona.

Warar sir ah oo aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha dalka Kenya Mowai Kibaki uu qorshaha ku darsaday inuu yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, halkaasi oo dhawaan ciidanka Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qabteen.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Uganda la filaayo in markii uu Kimsaayo yimaado uu kulamo kula qaato qaar ka mid ah daraakiisha dowladda Soomaaliya, Odayaasha, Raaskambooni iyo xubno kale.

Ilo wareedyo aynu aad ugu kalsoonahay ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweynaha Kenya uu imaan doono sida ugu dhaqsiyaha badan Kismaayo, waxaana taas ay ka qeyb tahay qorshaha mas’uuliyiin ka mid ah Kenya ay ku imaan doonaan magaaladaasi.

Kenya ayaa guul weyn u aragto in ay qabtaan gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose mudo aad u badan ka dib, waxaana ay yihiin kuwo markaan u muuqda in meelo aanay ka aadi doonin magaaladaasi.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa maalmahaan dambe xaaladeeda waxa ay noqotay mid aad iyo aad uga sii darta waxaana magaaladaasi kusoo badanaayay falal ka dhan ahamaanka.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM