XOG HOOSE:- Khilaaf aan caadi ahayn oo xilligaan soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mahiga.
Warar Hoose oo aan helayno ayaa sheegaya markaan khilaaf aan caadi ahayn uu ka dhex aloolsan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustine Mahiga.
Madaxweynaha ayaa inta aanu aadin dalka Uganda waxa ay kulan hoose wada qaateen Mahiga waxaana looga hadlaayay arimo badan oo ay ugu horeyso hanaanka loo soo magacaabaayo wasiirada cusub ee Soomaaliya hase ahaatee arintaasi ayaa la isku mari waayay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Mahiga in isaga aanu waxba ka quseen siyaasadda gaar ahaaneed ee Soomaaliya kaliyana looga baahanyahay inuu ku ekaado wakiilnimo wixii intaas dheerna ay qalad ku tahay.
Mahiga ayaa arintaasi aad iyo aad uga carooday, waxaana uu usheegay in waajib ay tahay wax walbo in talo uu ka dhiibto laakiinse waxaa hadalkaasi ku qoslay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa isaga oo ku jees jeesaaya Mahiga la sheegay inuu kursigii uga kacay kulankiina u faarujiyay, waxaana taasi ay keentay in meesha uu ka dhasho khilaaf aan caadi ahayn lamana oga sida ay wax ku dambeen doonto.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com