Laascaanood:-Maleeshiyada Somaliland Oo Xalay Jeelasha Ka buuxiyay Raxan Saxaafiyiina ah Dad shacab ah
Wararka naga soogaadhaya magaalada laascaanood ayaa sheega in maleeshiyada a hargaysa ay xalay dad tiro badan oo isugu jira Safaafiyiin iyo Dadka kale oo shacab ah ay ku xidhxidheen gudaha magaalada laascaanood.
Maleeshiyada hargaysa oo suxufiyiin ay kamid yihiin Maxamed Shaqale iyo Cabdi Kariin Olol iyo dadweyne tiro badan oo ku nool magaalada lascanood xalay guryohooda kala baxay iyo suxufiyiinkale oo kamid ah wariyayaasha ka hawlgala laascaanood in ay kudaba jiraan Ciidamada booliska ee somalilnd,kadib markii ay soo bandhigeen taageerada ay u hayaan Dawlada cusub ee somalia
Dadkan ayaa xadhigooda loo adeegsaday gaadiid ay saaran yihin qoryaha tiknikada waxaan dhawaqa rasaasta xalay laga maqlayay gudaha magaalada laascaanood waxaana falkan foosha xun ee tacadiyada ah cambaareeyay dadweyanaha ku nool magaalada laascanood iyo bulshada reer khaatumo
waxayna ugu baaqeen dawlada cusub iyo hay,ada caalamiga ee deeqaha siiya somaliland si loogu dhibaateeyo shacabkooda inay ka wax ka qabtaan,iyagoo masuuliyiinta cusub ee dawlada ugu baaqay inay arimahaas ka hadlaan.
suxufiyiinta iyo dadwaynaha xalay guryahooda loogu dhacay ayaa ku xidhan saldhig yada kala duwan oo ku yaala magaalada laascaanod iyadoo tiradoodu marba ay sii kordhayso Dadka ilaa xalay ilaa saaka loo dhaadiciyay Xabsiyada Magaalada laascaanood.
Jawiga magaalada laascaanood ayaa maanta kacsan waxaana wakhti kasta dhici kara mudaharaado iyo rabshado lagaga soo horjeeedo maamulka xaqdarada ku dhisan ee beelaha isaaq
horjoogayaasha ugu magacaaban maamulka somalidiidka ee hargaysa laascaanood ayaa la sheegay in mudooyinkii u danbaysay ay bilaabeen lacago laaluush ah oo ay ka qaadana dadka safarka ku ah magaalada laascaanood iyadoo qofkii laga waayana jaalasha ku xidho.
Mahan Markii uhoraysay Ee maamulka Somaliland ay Saxaafiyiin iyo dad shacab ah oo shucuurtooda muujiyay ay xidhxidhaan kuwaas oo ay kamid yihiin tacadiyada ay ugaystaan ciimadasi dadka shacabka ee reer khaatumo.