afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:27 pm | Posted by

war Deg Deg ah:Qaraxyo Waweyn Oo cawa Ka Dhacay xafada Islii

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya Xaafada islii gaar ahaan Juuja Road ayaa sheegaya in warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaabka ay udhaceen qaraxyadaasi.

Qaraxa 1aad waxa uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo dadka ay iskugu yimaadaan waxaana halkaasi markii ay gaareen ciidamada amaanka qaraxii labaad ayaa dhacay taasi oo aan la ogeyn waxay ahayeen.

Juja Road xaafada islii waa meesha uu qaraxu ka dhacay waxaana isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi iyadoo ay ku dhaawacmeen seddex sargaal oo ciidamada Kenya oo mid ka mid ah uu yahay taliyihii saldhiga Juja Road.

Xaaladu wali waa mid Cakiran waxaana dadka somalidu yihiin kuwa guryahooda ku kala xarooday iyadoo dhamaan isku socodkii uu joogsaday ciidamada kaliya ayaa la arkayaa iyagoo wadooyinka taagan.

Qof goob jooge ah oo kusugnaa goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa usheegay warbaahinta Capital Fm oo ka howlgasha Nairobi inuu arkayey dhaawaca seddexda sargaal ee Kenyanka ah iyadoo xaaladu ay cabsi weli tahay.

Howlgalo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan ciidamada Kenya kooxihii ka dambeeyey qaraxyadaasi ayey ka wadaan Juja Road taasi oo hakad gelisay dhamaan isku socodkii dadka iyo ganacsiga.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM