Daawo ”Madaxda Sare Ee Dowladda Soomaaliya iyo Askari Soomaali ah oo Isku Qabsaday anaa gadaal istaagaya Madaxwaynaha Gadaashiis”
Dad weynaha Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay yaab iyo amakaag ku noqotey islamarkaana ku tilmaamay wax lagu qoslo ka dib markii ay dhawaantaan daawadeen sida ay madaxda Soomaaliyeed isugu jiid jiidanayaan cidii istaagi lahayd madaxweynaha gadaashiisa.
HALKAN RIIX SI,AAD UDAAWATO VIDEO-QOSOL BADAN
Arintan la yaabka leh ayaa waxay timid ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaantaan ka soo noqday dalka Ugandha xilli uu qabanaayey ama uu la ahdlaayey warbaahibta ayaa waxaa halkaas ka muuqday iyadoo nin ku labisan daeyska milatariga iyo madaxda kale ee dowladu ay isku qabsadeen cida istaageysa madaxweynaha gadaashiisa, iyadoo markii hore uu goobtaas taagnaa ninkaas ku labisab dareeska milatari ay halkaas ka xoogeen raysal wasaarihii hore Cabdiwali Gaas oo uu wheliyo raysal wasaraha cusub Saacid Shirdoon, Laakiin ninkaas ayaa arintaas ka hor yimid asagoona markii xoog ku galay booskiisii, iyadoo run ahaantii aan la garan karin waxa ay ku hadlayeen ayaa waxaa halkaas ka muuqday inay isku maandhaafsanaayeen qofka istaagaaya halkaas, Sidoo kale waxaa halkaas ka muuqday raysal wasaare ku xigeenkii hore ahaana wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo asagana la yaaban siday wax u soocdaan asagoona u muuqday inuu waayey meel uu ka istaago madaxweynaha gadaashiisa taasoo keentay inuu qoorta soo dhiibto mar walba.
Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay tahay wax lala yaabo sida ay halkaas wax uga dhaceen ayaa waxaa la is weydiin kaaraa yaa barotokool ahaan leh inuu istaago madaxweynaha gadaashiisa xilliyada ay sidaas oo kale ay goobtaas ku sugan yihiin madaxda sare ee dowlada, runtii dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay wali fahmi la’a yihiin qiimaha ay leedahay istaagida madaxweynaha gadaashiisa ma madaxweynaha in laga ag dhawaado jaceelkeedaa mise waa kaamirada ha ku qabato oo ha lagu daawado maadaama ay kaamiradu mar walba heyso madaxwynaha?