DAAWO+SAWIRO:-Wafdi iyo ciidamo ka socda Ximan iyo Xeeeb oo gaaray Xeebta Magaaladda Hobyo Xili Halkaas Dagaalo ka dheceen
Magaaladda Dekada leh ee Hobyo ayaa waxaa shalay gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan kuwa Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ka dhisan.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arimaha gudaha Magaalka Ximan iyo Xeeb, iyadoona markii ay tageen Magaaladda soo kormeeray Dekadda Magaaladda iyo qeybo kale oo muhiim ah.
Sidoo kale intii ay Magaaladda kusugnaayeen ayaa waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb ee degmada Hobyo, shacab isugu jira Odayaal, Haween iyo dhalinyaro.
Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in Magaaladda Hobyo ay tahay magaalo istiraatiiji ah oo maamulka Ximan iyo Xeeb ka tirsan sidoo kale waxaa uu kahadlay shaqaaqadii dhawaan Magaaladda ku dhexmaray Maamulkooda iyo Galmudug State.
Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay mideynta dadka degan Magaaladda aysana udul qaadan doonin wax intaas dheer sida uu hadalka udhigay.
“Waxaa naga go’an inaan ka hortagno wax kasta oo kala qeybinaya shacabka, dadkana waa in ay arimahaas nagu gacansiiyaan’ayuu isagana sheegay Taliyaha Ciidamada Amniga Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamuud Cismaan Maxamuud oo kamid ah Wafdiga Ximan iyo Xeeb.
Magaaladda dekada leh ee Hobyo ayaa waxaa wada sheegta Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, waxaana dhawaan Magaaladda ka dhacday shaqaaqo sababtay in xiisado dagaaleed ay kasoo dhex cusboonaadaan labada Maamul.












