Daawo+Video:-Qasaaraha Qarax yadii xalay Ka dhacay Xaafada islii Ee Nairobi
Labadaan qarax oo ay ku dhaawacmeen dhawr ruux oo ay ku jiraan 3-askari oo uu ka midyahay sargaal Booliis ah.
Qaraxyada oo ahaa laba qarax oo kala horeeyay ayaa qaraxa labaad waxa uu u muuqday mid lala eegtay ciidamada Booliiska oo iyagu goontaas gaaray kadib qaraxii koowaad,waxaana ka mid ah dadka ku dhaawacmay taliyaha saldhiga Booliiska ee Pangani.
.
HALKAN RIIIX OO DAAWO QASAARAHA QARAXYADAAS
Labadaan qarax ayaa waxa ay ka dhaceen wadada Juja Road ee xaafada islii.waxa ay qaraxyadaasi noqonayaan kuwii labaad oo Juja road ka dhaca,
Dhawaan ayaa isla Juja Road waxaa ka dhacay weerar bambaano oo lagu qaaday kaniisad halkaasi ku taala.
Dhanka kale ciidamada Booliiska dalka ayaa ugu baaqay dadka shacabka in ay feejignaaaan islamarkaana waxa ay uga digeen inay kusoo xoomaan Goobaha ay wax ka dhacaan.